Kismaayo: (Sh.M.Network) Ciidamada Dowladda, Kenya iyo Raaskambooni ayaa lagu soo waramayaa in maanta mar kale ay si buuxda gacanta ugu dhigeen Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose oo ay shalay isaga baxeen markii ay galleen kaddib.
Goobjoogayaal ayaa u sheegay Idaacadda Shabelle in Ciidamada Dowladda iyo kuwa Kenya ay fariisimo ka sameysteen Saldhigga Magaalada Kismaayo, Eleboorka iyo Garoonka diyaaradaha ee Magaaladaasi.
Ciidamada Dowladda ayaa la sheegay in howlgallo ballaaran oo ay sameyeen ay kusoo qab qabteen rag badan oo sida la sheegay lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen Xarakada Al Shabaab islamarkaana falal ammaan darri ka waday gudaha Magaaladaasi.
“Ciidamo badan ayay ahaayeen oo ka tirsan Dowladda iyo Kenya, waxaan arkay dad badan oo loo xir xiray gacamaha iyo indhaha, Xaaladda way degan tahay marka laga reebo howlgallada oo ah kuwa ballaaran” sidaasi waxa yiri goobjooge ku sugan halkaasi.
Jeneral Ismaaciil Saxar-diid oo ah Sarkaalka ugu sareeya Ciidamada Dowladda ayaa waxa uu sheegay in uu ku sugan yahay Magaalada Dekadda Magaalada Kismaayo islamarkaana ay wadaan howlgallo ballaaran oo lagu xaqiijinayo ammaanka.
“ Rag badan ayaan haynaa oo ka tirsan Al Shabaab, way calaameysnaayeen waayo horey ayaaba loo ogaa, waxaana ka digaynaa in Kooxo ay hub ku dhex sidato Magaalada, cidii lagu arkaa iyadoo hub sidata waa la tooganayaa” sidaasi waxa yiri Sarkaalkaasi.
Xaaladda ayaa degan, waxaana Ciidamada Dowladda Soomaaliya, Raaskaambooni iyo kuwa Kenya ay isku fidiyeen Magaaladaasi.























Comments are closed.