Ciidamada Kenya iyo AL Shabaab oo ku dagaalamay Jubbada hoose

maalik_som September 25, 2012 Comments Off

Jannay-Cabdalla: (Sh.M.Network)  Dagaal qasaaro gaystay aya Ciidamada Kenya iyo Al Shabaab ku dhexmaray deegaanno ka tirsan Jubbada hoose. 

Wararka laga helayo Deegaanka Jannay-Cabdalla oo dhinaca Galbeed ka xigga Magaalo Xeebeedka Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Kenya oo ku sugan halkaasi iyo Xarakada Al Shabaab xalay uu ku dhexmaray degaankaasi. 

Dagaalkaasi ayaa la tilmaamay in uu qaatay muddo saacado ah, islamarkaana dhinacyadii uu u dhaxeeyay ay isku adeegsadeen hub cul culus, iyadoo sidoo kale la sheegay in gaadiidka dagaalka ay qeyb ka ahaayeen dagaalkii xalay Ciidamada Kenya iyo kuwa Al Shabaab ku dhexmaray deegaankaasi. 

Inkastoo uu geystay dagaalka qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinaca ayaa haddana la ogeyn halka u la egyahay.

Jubbooyinka waxaa ka socda howlgallo ay isaga soo horjeedaan Ciidamada Dowladda, Kenya, Raskambooni iyo Xarakada Al Shabaab.

Comments are closed.

Facebook

Twitter