Baladweyne: (Sh.M.Network) Ciidamada Jabuuti ee AMISOM iyo kuwa Ethiopia ayaa la sheegay inay isaga baxeen Magaalada Baladweyne.
Goobjoogayaal qariyay magacyadooda sababo dhinaca ammaanka ah ayaa u xaqiijiyay Idaacadda Shabele ee Magaalada Muqdisho in Ciidamada Jabuuti iyo kuwa Ethiopia ay isaga baxeen gudaha Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiran.
Dadka deeganka ayaa sheegay inay arkeen Ciidamo badan oo isugu jira Jabuutiyaan iyo Ethiopian oo ka baxay Xarumihii ay ka deganaayeen gudaha Magaalada islamarkaana aadaya duleedyada oo ay ku leeyihiin Xarumo Militari.
“ Ciidamo badan ayay ahaayeen saakay illaa xalay ayay ka baxayeen Magaalada, mana qaano u jeedka arrinkaani ka dambeeya” sidaasi waxa sheegay mid ka mid ah Odayaasha Magaalada Baladweyne.
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka gobolka Hiiraan ee Dowladda Soomaaliya ayaa u sheegay Idaacadda Shabelle in gudaha Magaalada ay ku sugan yihiin Ciidamada Militariga Dowladda, islamarkaana ka bixitaanka Magaalada ee Ciidamada Jabuuti iyo kuwa Dowladda ay tahay mid lagu xaqiijinayo ammaanka sida ay hadalka u dhigeen.
Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Jabuuti ayaa hadda ku sugan duleedka Magaalada, inkastoo mararka qaar gudaha Baladweyne ay ka dhacaan qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay gaystaan Kooxo hubaysan.




![Kulanka looga hadlayo ka hortaga dhibaatada Loo geysto Saxafiyiinta oo Galay Maalintiisii Labaad [ Sawirro ]](http://shabelle.net/wp-content/uploads/2013/05/IMG_2111.jpg)


















Comments are closed.