Ciidamada Jabuuti ee Tagay Galgaduud oo dib ugu Noqday Hiiraan

maalik_som March 7, 2013 Comments Off

Baladweyne  (Sh.M.Network)—Ciidamadii Jabuutiyaanka ahaa ee dhawaan Tagay degmooyinka ka tirsan Gobolka Galgaduud ayaa ayaa waxa ay dib ugu laabteen Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Ciidamadaan oo sugayay Ammaanka Ra’isal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa Maanta waxa ay markale dib ugu laabteen Gobolka Hiiraan.

Ciidamadaan ayaa la sheegay in ay sugayeen Ammaanka Ra’isal Wasaaraha iyo Wafdigiisa markii ay soo idlaatay booqashadii wafdiga Ra’isal Wasaaraha ee Gobolka Galgaduudna ay dib ugu noqdeen Xarumahoodii.

Sikastaba dhawaan ayaa Boqolaal Askari oo ka tirsan Ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah Howl Galka AMISOM waxa ay gaareen deegaanno iyo Degmooyin Ka tirsan Gobolka Galgaduud kuwaasi oo qayb ka ahaa ciidamadii sugayay Ammaanka Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayay Ra’isal Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya

Comments are closed.

Facebook

Twitter