Ciidamada Dowladda oo qof rayid ah ku dilay Wadajir, Muqdisho

maalik_som September 28, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh.M.Network)     Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo isku haysatay Isbaaro Taalla Xaafadda Nasteexo degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay halkaasi ku dileen qof rayid ah. 

Dilka ruuxaani ayaa yimid kaddib markii Ciidamada Dowladda ay isku qabsadeen Gaari Bl-ah oo marayay halkaasii ay ku murmeen sidii looga qaadi lahaa lacagaha, taasina ay keentay in Askari ka mid ah Ciidamadaasi uu rasaas ku furo islamarkaana mid ka mid ah Rakaabkii saarnaa ay kaga dhacdo qeybaha sare ee jirkiisa, halkaasina uu ku geeriyooday. 

“Ciidamada ayaa isku haysatay Isbaarada, markaas ayaa waxa dhacday in gaariga uu dhaqaajiyo rasaas ayay ku fureen, mid ka mid ah Rakaabkii saarnaa ayay Madaxa kaga dhacday, kaddibna wuu geeriyooday, Gaariga xitaa burbur ayaa soo gaaray” sidaasi waxa yiri Ninka dhintay Adeerkiisa oo lagu magacaabo Max’ed Kheyr. 

Waqti yar ayaa u dhaxeeya markii Guddoomiyaha gobolka Banaadir Max’ud Axmed Nuur Tarsan uu ku eedeeyay Ciidamada qalabka sida inay ka dambeeyaan falalka ammaan darri ee Muqdisho. 

Lama oga sida looga hortagi karo dhibaatooyinka kasoo cusboonaaday Magaalada, wallow ay qaraxyada  iyo dilalka qorsheysan ay sii dheertahay dilka bareerka ah iyo dhaca ay gaysanayaan Kooxaha ku labisan dareeska Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Comments are closed.

Facebook

Twitter