Baydhabo (Sh.M.Network)—Howlgalo dad badan lagu soo qab-qabtay ayaa Ciidamada dowladda Soomaaliya waxa ay ka sameeyeen Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay.
Howlgaladani oo ahaa kuwo lagu xaqiijinayo Ammaanka islamar ahaantaana lagu soo qab-qabtay tiro dad ah ayaa Ciidanka dowladda Soomaaliya waxa ay saacadihii ugu danbeeyay ka sameeyeen Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay.
Dadka lagu soo qab-qabtay howlgaladani ayaa saraakiisha Ciidanka dowladda waxa ay sheegeen in ay ku lug lahaayeen qaraxyo shalay lagu weeraray fariisimo ay Ciidanka dowladda ku leeyihiin Magaaladaasi, kaasi oo la tilmaamay in uu ka dhashay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Saraakiil ka tirsan Maamulka gobolka Bay ayaa waxa ay sheegeen in dadka lagu soo qabtay howlgaladani lagu wareejiyay saldhiga booliska Magaalada Baydhabo, halkaasi oo su’aalo lagu weydiinayo.
Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay oo ay si wada jir ah gacanta ugu hayaan Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay falal amnidaro oo iskugu jira dilal qorsheysan iyo qaraxyo lala beegsanayay Ciidamada halkaasi ku sugan.























Comments are closed.