Marka-(Sh.M.Network)—Guddoomiye Kuxigeenka xagga ammaanka ee maamulka Magaalada Marka Cabdi salaan Max’ed Cabdulle oo uwaramay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu faahfaahin ka bixiyay howlgallo ballaaran oo ay ciidamada dowladda kasameeyeen Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Sh/hoose.
Guddoomiye kuxigeenka ayaa sidoo kale tilmaamay in howlgallada ay kusoo qabteen rag farabadan kuwaasi oo sida uu sheegay looga shakisanyahay in ay lug kulahaayeen dil dhawaan loogu geystay gudaha deegaanka ceelwareegow ee Gobolka Sh/hoose Jeneral Goordan oo ahaa taliyihii guutada shanaad ee ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed.
Cabdi Salaan Max’ed Cabdulle guddoomiye kuxigeenka dhinaca ammaanka ee maamulka Magaalada Marka ee Gobolka Sh/hoose ayaa waxa uu carabka ku’adkeeyay in habeen iyo maalinba ay shaqaynayaan islamarkaana howlagalladu ay joogteyn doonaan.
Tan iyo markii ciidamada dowladda oo garab kahelaya ciidamada AMISOM ay la wareegeen Gobolka Sh/hoose aaya waxa soo if baxayay weeraro iyo dilal qorsheysan oo mararka qaar ay kala kulmaan Ururka Al Shabaab iyadoo markaasi ciidamada dowladda ay howlgallo dad lagu soo qabto ku dhaqaaqaan























Comments are closed.