Ciidamada dowladda oo falal dhac ah ka geystay Deg:Wanlaweyn

maalik_som October 22, 2012 Comments Off

MUQDISHO (Sh.M.Network)—Gudoomiyaha degmada Wanlaweyn ee Gobolka Sh/Hoose Xaaji Isxaaq Maami oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu ka hadlay dhibaato ay ciidamada dowladda ku hayaan dadka ku dhaqan gudaha degmadaasi Wanlaweyn ee Gobolka Sh/Hoose.

Guddoomiyaha ayaa waxa uu sheegay in maalmihii dambe ay Ciidamada dowladda dhac iyo Isbaarooyin ay dhigteen Degmadaasi.

Gudoomiyaha ayaa waxa uu tibaaxay in Cabashooyin ay uga imaaden shacabka ku dhaqan degmada uu guddoomiyaha ka yahay dhibaatooyinkaasi oo isugu jira isbaarooyin iyo dhac Joogta ah oo ay  Ciidamada dowladda ay ka wadaan halkaasi.

Xaaji Isxaaq Gudoomiyaha degmada Wanlaweyn ee dowladda ayaa waxa uu ugu baaqay Saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaaliya in ay wax ka qabtaan Ciidamada dhibaatooyinka kala duwan ugeysanaya dadka rayidka ah ee kunool degmadaasi.

Maalmihii dambe ayaa Cabashooyin waxa ay ka soo yeeraysay dadka rayidka ee ku nool degmada Wanla weyn ee Gobolka Sh/Hoose taasi oo ku aadan in dhibaatooyin kala duwan ay ugeysanayaan ciidamada dowladda ee halkaasi Ku sugan

Comments are closed.

Facebook

Twitter