Ciidamada dowladda oo 40-ruux ku qab qabtay Afgooye

maalik_som September 9, 2012 Comments Off

Afgooye: (Sh. M. Network)   Howlgalladaani oo ahaa kuwa ballaaran ayaa Ciidamada Dowladda waxa ay ka sameeyeen Xaafadaha degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose halkaasi oo muddooyinkii dambe ay ka socdeen howlgalladaasi. 

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Idaacadda Shabelle in Ciidamada Dowladda ay wadeen howlgallo ballaaran islamarkaana lagu soo qab qabtay ku dhawad 40-dhalinyaro ah kuwaasi oo loo taxaabay Xabsigaasi.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa sheegay in howlgallada ay ahaayeen kuwa ballaaran, loogana hortagayay waxa ay ugu yeereen Kooxo nabaddii ah sida ay hadalka u dhigeen.

Howlgalladaani ayaa waxa ay qeyb ka yihiin kuwa inta badan ka dhaca gudaha Magaalada Muqdisho, iyadoo Saraakiisha Dowladda ay ballan qaadeen inay sii wadayaan howlgalladaasi illaa laga xaqiijinayo ammaanka.

Comments are closed.

Facebook

Twitter