Taabta: (Sh.M.Network) —Dagaal xooggan oo gaystay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta waxa uu ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada hoose.
Dagaalkaani oo ahaa mid xooggan islamarkaana la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya, Kenya iyo Xarakada Al Shabaab waxa uu ku dhexmaray deegaanada Taabta iyo Haawinaa ee gobolka Jubbada hoose.
Dagaalka ayaa la sheegay in Ciidamada Dowladda iyo kuwa Kenya ay doonayeen inay si buuxda gacanta ugu dhigaan deegaannadaasi oo qaarkood la sheegay inay ku sugan yihiin Al Shabaab, waxaana la tilmaamay in dhinacyadaasi ay isku adeegsadeen rasaas cul cuslu oo gaystay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa ay sheegeen in Ciidamada badankooda ay ka baxeen Magaalada Kismaayo, u jeedkana uu ahaa sida ay hadalka u dhigeen inay cagta la mariyo Ciidamo ka tirsan Al Shabaab oo ku sugan gudaha deegaannada Taabta iyo Haawinaa ee gobolka Jubbada hoose.
Shalay ayay aheyd markii dhaq dhaqaq xooggan ay ka jireen Magaalada Kismaayo, iyadoo halkaasi ay ka dhaqaaqeen Ciidamo badan oo huwan ah oo doonayay inay isku fidiyaan deegaano kale oo duleedka ah Kismaayo.























Comments are closed.