Ciidamada Dowladda iyo kuwa Kenya oo dil ka gaystay Kismaayo

maalik_som October 4, 2012 Comments Off

Kismaayo: (Sh.M.Network) —Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya oo maanta howlgallo ka sameeyay Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobola Jubbada hoose ayaa waxa ay ku dileen dad lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen Xarakada Al Shabaab. 

Gallinkii dambe ee maanta ayaa la sheegay in Ciidamo badan oo ka mid ah kuwa Dowladda iyo Kenya ay isku ballaariyeen Xaafado badan oo ka tirsan Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose, iyadoo mid mid u baarayay dadka rayidka ah ee isticmaalaya waddooyinka qaar ee Magaaladaasi. 

Ciidamada Dowladda ayaa howlgalka ku dilay illaa 5-ruux oo la sheegay inay ka tirsanaayeen Xarakada Al Shabaab sida ay sheegayaan dadka deegaanka ah. 

“ Annaga waxaan kaliya oo aan arragnay dadka la dilay oo ay u xirnaayeen Bastoolado, Ciidamada Dowladda iyo kuwa Kenya ayaa toogasho ku dilay, dadka xitaa rasaas ayaa kor looga ridayay si ay goobta uga tagaan dilka kaddib” sidaasi waxa yiri mid ka mid ah dadka deegaanka ah.

Xaaladda Magaalada Kismaayo ayaa Caawa degan, waxaana tan iyo markii ay Ciidamada Dowladda la wareegeen Magaaladaasi ay ka sameynayeen howlgallo ballaaran oo lagu xaqiijinayay ammaanka.

Comments are closed.

Facebook

Twitter