Balaweyne: (Sh.M.Network)—Israsaaseyn qasaaro gaysatay ayaa Ciidamo ka tirsan dowladda iyo kuwa Ethiopia ku dhexmaray Magaalada Beledweyne ee Xaruunta Gobolka Hiiraan ee Bartamaha dalka Soomaaliya.
Inta la ogyahay hal Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhintay halka labo kalena ay ku dhaawacmeen kaddib israsaaseyn gudaha Magaalada Baladweyne ku dhemartay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ethiopia.
Israsaseynta ayaa ka dhacday Xaafadda Irid-Aamin ee bartamaha Magaalada Baladweyne, iyadoo isku dhaca uu ka dambeeyay kaddib markii Ciidamada dowladda ay isku dayeen inay isticmaalaan waddo u xirneyd Ciidamada Ethiopia sida ay Idaacadda Shabelle u sheegeen dad deegaanka ah.
Askartii ku dhaawacantay Israsaaseynta ayaa loola cararay Isbitaalka Guud ee Magaalada halkaasi oo xaaladooda Caafimaad lagu dabiibayo.
Xaaladda ayaa degan, waxaana Maamulka gobolka iyo Saraakiil kale ay wadaan baaritaanno ku aaddan waxa sababay israsaaseyntaani qasaaraha gaysatay ee maanta dhexmartay Ciidamada Dowladda Soomaaliya.




![Kulanka looga hadlayo ka hortaga dhibaatada Loo geysto Saxafiyiinta oo Galay Maalintiisii Labaad [ Sawirro ]](http://shabelle.net/wp-content/uploads/2013/05/IMG_2111.jpg)


















Comments are closed.