Ciidamada Dowladda iyo Kenya oo gudaha u galay Kismaayo

maalik_som October 1, 2012 Comments Off

Kismaayo: (Sh.M.Network) Goordhow ayaa Ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya, Kenya iyo Ururka Raaskambooni waxa ay gudah u galeen Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose sida ay Idaacadda Shabelle u sheegeen dad deegaanka ah. 

Goobjoogayaal ayaa sheegay in Ciidamo badan oo aad u hubaysan, watana gaadiidka dagaalka ay farisiimo ka sameysteen Saldhigga Ciidanka booliska ee Magaalada Kismaayo, Dekadda Kismaayo, Eleboorka iyo meelo kale oo muhiim u ah Magaaladaasi.

Sidoo kale goobjoogayaasha ayaa Shabelle u sheegay in Ciidamaani huwanta ah Magaalada ay ka galeen labo jiho oo kala ah Kontorolka soo aada Muqdisho iyo Xaafadda Calanley ee Magaaladaasi, waxaana Ciidamada iminka lagu arkayaa iyagoo si feejigan u maraya waddooyinka waa weyn ee Magaalada Kismaayo.

” Ciidamo badan waaye, Hub iyo gaadiid dagaal ayay wataan, waxay xiran yihiin Tuutaha Dowladda, Kenyan iyo Ciidamo kale waaye, dadka oo dhan ayaa guryaha ku jira, cabsi ayaa jirta” sidaasi waxa yiri mid ka mid ah dadka deegaanka ah.

Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo lagu magacaabay Kornel Max’ed Faarax Daahir oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa xaqiijiyay in Ciidamada huwanta ah ay gudaha u galeen Magaalada Kismaayo dhowr fariisimona ay ka sameysteen.

Max’ed Faarax Daahir ayaa waxa uu digniin u jeediyay Kooxo u sheegay inay hub ku dhex haystaan gudaha Magaalada, wuxuuna hoosta ka xariiqay in haddii ay bilaabaan falal ammaan darri ah, tallaabo sharci ah laga qaadi doono sida uu hadalka u dhigay.

Labadii maalmin ee u dambeysay ayaa Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya waxa ay ku sugnaayeen banaanka Magaalada Kismaayo, iyadoo maanta ugu dambeyn gudaha u galay Magaaladaasi, kana sameystay dhowr fariisin. 

Al Shabaab markii ay ka baxeen Magaalada Kismaayo, waxaa lagu dilay ku dhawaad 10-ruux oo qaarkood ahaa Odayaal iyo waxgarad ku dhaqan halkaasi kuwaasi oo ay dilkoodu ka dambeeyeen sida la sheegay rag ka tirsan Xarakada Al Shabaab.

Comments are closed.

Facebook

Twitter