Ciidamada DKMG iyo Kenya oo kaa biga ku haya Kismaayo

maalik_som August 25, 2012 Comments Off

Kismaayio: (Sh. M. Network)    Ciidamada Dowladda iyo kuwa Kenya oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM oo saakay ka baxay Magaalada Dhooblay ayaa waxa ay gaareen deegaan duleedka ka ah Magaalada Kismaayo oo 90-KM u jira Magaaladaasi.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in xaaladda Magaalada Kismaayo iyo duleedyadeeda ay aad u kacsan tahay islamarkaana mar waliba laga cabsi qabo dagaal dhexmara Ciidamada Dowladda, Kenya oo dhinaca ah iyo Ururka Al Shabaab.

Ciidamada ayaa la sheegayaa inay fariisimo ka sameysteen goobihii gaareen, iyadoo u jeedkoodu uu yahay in qaab xeeladeysan ay kula wareegaan Kismaayo oo ah meel ay dhaqaalo badan ka helaan Xarakada Al Shabaab.

Sidoo kale dadka ku sugana Magaalada Kismaayo oo aan kula xiriirnay qadka Taleefonka ayaa sheegaya in Ciidamada Al Shabaab gudaha Magaalada ay ka wadaan dhaq dhaqaaq ciidan oo ay doonayaan inay kaga hortagaan duulaanka kusoo wajahan.

Barakac ayaa la sheegayaa in uu ka bilowday meelo ka mid ah Magaalada Kismaayo, waxaana mar waliba la fillan karaa in halkaasi uu ka dhaco dagaal u dhaxeeya dhinacaydaasi.

Wixii kusoo kordhaa kala soco Shabelle.net hadii Alle Idmo.  

Comments are closed.

Facebook

Twitter