Xagar: (Sh. M. Network) Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya, Kenya oo iskaashanaya iyo Xarakada Al Shabaab ayaa maanta dagaal ku dhexmary deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada hoose.
Sida ay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho u xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan DKMG, maanta ayaa dagaal xooggan oo gaystay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac waxa uu Ciidamada Dowladda KMG oo gacan ka helay kuwa Kenya iyo Xarakada Al Shabaab uu ku dhexmaray deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada hoose.
Dagaalka ayaa waxa uu yimid kaddib markii Ciidamo ka tirsan DKMG iyo kuwa Kenya ay weerar ku qaadeen Ciidamo ka tirsan Al Shabaab oo sida la sheegay isku urursanayay deegaannada Xagar iyo Magar oo duleedka ka ah degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose.
Saraakiil ka tirsan Dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegay in dagaalka uu ahaa mid ay ku hakiyeen deegaannadaasi islamarkaana ay ugu hortagayeen Ciidamo ka tirsanaa Al Shabaab oo isku urursanayay deegannada Xagar iyo Magar oo ka tirsan gobolkaasi, islamarkaana ay baacsadeen sida ay hadalka u dhigeen.
Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana Ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa Kenya ay ku sugan yihiin deegaannadii lagu dagaalamay, iyadoo dagaalkii maanta uu qeyb ka yahay kuwa inta badan ka dhaca deegaannada Jubbada hoose.























Comments are closed.