Ciidamada DKMG iyo Kenya oo duulaan ku ah Kismaayo

maalik_som August 25, 2012 Comments Off

Kismaayo: (Sh. M. Network)  Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Kenya ayaa saakay u jiheystay Magaalada Kismaayo ee  Xarunta gobolka Jubbada hoose. 

Wararka ka imaanaya degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan Dowladda KMG iyo kuwa Kenya oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM ay u ruqaansadeen Magaalada Kismaayo oo ay gacanta ku hayaan Xarakada Al Shabaab. 

Dadka deegaanka oo saakay ay la xiriirtay Idaacadda Shabelle ayaa waxa ay sheegeen in Ciidamada Dowladda oo ah kuwa aad  hubeysan ay u socdaan si koox koox ah islamarkaana u jeedkoodu uu yahay inay duulaan ku qaadaan Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose oo ah meel ay dhaqaalo badan ka helaan Al Shabaab. 

Dhinaca kale ilo Madaxbanaan oo laga helayo Magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in inta badan dadkii ku noolaa Magaalada ay isaga barakaceen sababo la xiriira waxyeello kasoo gaarta saan saanta colaadeed ee ka taagan Magaaladaasi. 

Waxaa la sheegayaa in Ciidamo badan oo ka tirsan Al Shabaab ay iska faarujiyeen Magaalada kuwaasi oo aan la ogeyn halka ay qabteen, wallow Ciidamada Dowladda la sheegay inay kusii socdaan Magaalada Kismaaayo. 

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Kenya ayaa marar badan la sheegay inay qabsanayaan Magaalada Kismaayo oo ah Xarun muhiiim u ah Al Shabaab, iyadoo aan la’ogeyn halka ay ku dambeyn doonto xaaladda Magaalada oo maanta ah mid ay inta badan dadkii isaga carareen.

Comments are closed.

Facebook

Twitter