Ciidamada DKMG iyo AMISOM oo la wareegay Marka, Sh/hoose

maalik_som August 27, 2012 Comments Off

Marka: (Sh. M. Network) Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo saakay ka baxay deegaanno ka tirsan gobolka Sh/hoose ayaa waxa usuuro gashay inay gacanta ku dhigaan Magaalada Marka ee Xarunta gobolka Sh/hoose oo ay muddo Maamulayeen Ururka Al Shabaab.

Dad deegaanka ah oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa ay sheegeen in Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay gaareen Magaalada Marka, iyagoo sheegay in inta aysan gacanta ku dhigin Ciidamada AMISOM ay Xarakada Al Shabaab  halkasi ku dileen afar ruux oo rayid ah.

Dilka afartaani qof ayaa waxa la sheegay in Shabaabku ay ku eedeeyeen inay xiriir la lahaayeen Dowladda KMG Soomaaliya kuwaasi oo isugu jira ganacsato iyo dad kale oo Caadi ah.

Dhinaca kale Afhayeenka Ciidamada AMISOM Kornel Cali Aadan Xaamud  oo waraysi gaar ah siiyay Idaacadda Shabelle ayaa xaqiijiyay gacan ku dhigidda Magaalada Marka, isagoo xusay in xilligaani ay ku sugan yihiin Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada gudaha Magaaladaasi.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in wali ay howlgallada socdaan, dhawaanna ay si rasmi ah kaga warbixin doonaan qaabkii lagula wareegay Magaalada Marka.

Magaalada Marka ayaa aheyd goob udub dhexaad u ah dagaalada u dhaxeeya Ciidamada Dowladda KMG ah, AMISOM iyo Ururka Al Shabaab, waxaana dad badan ay qiyaasayaan in Koofurta Soomaaliya inteeda badan ay gacanta usoo gashay Dowladda Soomaaliya marba haddii ay ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan Magaalada Marka.

Comments are closed.

Facebook

Twitter