Wanlaweyn: (Sh.M.Network) — Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta Ciidamada Booliska iyo kuwa Nabad Sugidda waxa ay ku wareejiyeen degmada Wanlaweyn iyo Eleboorka Balli-doogle ee gobolka Sh/hoose kaddib kullan ka dhacay Sh/hoose.
Kullana ayaa ugu horeyn waxaa ka hadlay Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneral C/kariin Yuusuf Aadan (Dhegabadan) kaasi oo sheegay in Ciidamada qalabka sida ay gacanta ku dhigeen halkaasi islamarkaana maanta wixii ka dambeeya ay ku wareejin doonaan Ciidamada booliska iyo kuwa Nabad sugidda oo uu tibaaxay in looga fadhiyo inay xaqiijiyaan ammaanka goobihii lagu wareejiyay.
Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Shariif Sheekhunaa Maye oo ugu horeyn u mahadceliyay Ciidamada Xoogga dalka, wuxuuna sheegay in meel waliba oo ay la wareegaan Ciidamada Dowladda ay geyn doonaan Ciidamada booliska Soomaaliyeed iyo kuwa Nabad Sugidda qaranka oo uu sheegay inay iska kaashanayaan ammaanka degmada Wanlawayn iyo Eleboorka Balli-doogle.
Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa isku fidiyay deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Sh/hoose, waxaana xusid mudan in Saraakiisha Dowladda ay sheegeen inay sii wadayaan howlgallada ka dhan ah Al Shabaab oo ay tibaaxeen inay dhibaato ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.























Comments are closed.