Ciid wanaagsan

maalik_som August 18, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh. M. Network)  Caawa ayaa Umadda Islaamka Meel waliba oo ay joogaan wax ay isku raaceen in maalinta birito ah ay tahay Maalin Ciid ah, maadaama ay dhameysteen 30-ka Maalmood ee bisha Soon. 

Dadka ayaa Caawa isugu hambalyeynaya  Munaasabadda Ciiddul Fidriga, iyagoo isugu doceynaya in Umadda Islaamka meel waliba oo ay jooggaan Ciiddaan, midda xigta ay ku gaareen Bash iyo baraare. 

Degmooyinka Magaalada Muqdisho ayaa waxa isugu soo baxay dad weyne u badan dhalinyaro oo isu marxabaneya, iyagoo qaarkood Alle ka baryay in Sanadkan kiisa uu ku gaarsiiyo bash iyo Baraare. 

“Illaahay Ciiddaan teeda kale bash bash hanagu gaarsiiyo, waan ku farxsanahay, sanad waliba sanadka kale way nooga sii farax badnaaneysaa Ciidda” sidaasi waxa yiri mid ka mid ah dhalinyaro isugu soo baxday degmada Wadajir Hodan ee gobolka Banaadir.

Xaaladda Magaalada Muqdisho ayaa Caawa ah mid jawiga qurxoon, maadaama ay dhamaatay Bisha Barakaysan ee Ramadaan. 

Meel Waliba oo aad joogtaan haddii aanu nahay Shabakadda Warbaahinta Shabelle waxaan idin leenahay Ciid Wanaagsan,  Kullo Caam Wa atum Bikheyr. 

Comments are closed.

Facebook

Twitter