Muqdisho (Sh.M.Network) — Xarunta Hay’adda Dambi Baarista ee CID ayaa maanta lagu soo bandhigay illaa 15-ruux oo isugu jira burcad badeed iyo dhalinyaro ka tirsan Al Shabaab.
Taliyaha Hoggaanka Hay’adda Dambi baarista CID Cabdullaahi Xasan Bariise oo maanta la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in Dadkaani lagu soo qab qabtay Howlgallo Ciidamada dowladda ay ka sameeyeen Xaafadaha kala duwan ee Magaalada Muqdisho.
Bariisa ayaa waxa uu intaasi ku daray in baaritaannada ay socon doonaani illaa laga ciribtiriyo Kooxaha Al Shabaab iyo kuwa kale ee dambiyada ka gala dadka iyo dalka Soomaaliyeed.
Hadalka Hay’adda Dambi Baarista Qaranka ayaa imaanaya xilli laamaha kala duwan ee Hay’adaha Nabad Sugidda Ciidamada Dowladda ay wacad ku mareen in Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka Soomaaliya laga cirib tirayo Kooxaha aargagaxa galinaya dadka Soomaaliyeed.























Comments are closed.