Cago-Libaax: (Sh. M. Network) Saraakiisha Ciidamada Dowladda Kenya ayaa guulo ka sheegtay dagaal ay la galeen Ciidamada Al Shabaab.
Emmanuel Chirchir oo ah Afhayeenka Ciidamada Militariga ee Dowladda Kenya oo ka warbixinayay dagaalo shalay ay la galeen Ciidamada Al Shabaab ayaa waxa uu sheegay in dagaalkaasi ay guulo ka gaareen.
Illaa 42-dagaalyahanno oo ka tirsanaa Al Shabaab ayaan ku dilnay dagaalkii shalay ayuu yiri Emmanuel Chirchir, isagoo xusay in Al Shabaab illaa lix gantaal, 23-qori oo ah nuuca AK-47 iyo 428-Rasaasta hubka nuucyadiisa kala duwan ah.
Sidoo kale Sarkaalkaani ayaa waxa uu sheegay in Al Shabaab ay kala wareegeen Saldhigyo muhiim u ahaa, wuxuuna carabka ku dhuftay inay ka biga ku hayaan Magaalada Kismaayo oo ah halka uu qorshahoodu yahay.
Ugu dambeyn Sarkaalkaani ayaa waxa uu sheegay in waqtiyada soo aaddan Ciidamada Dowladda Kenya iyo Dowladda Soomaaliya laga fillan karo inay qabtaan Kismaayo oo uu sheegay inay dhaqaalo badan ka helaan Ururka Al Shabaab.























Comments are closed.