Nairobi: (Sh. M. Network) Dowladda China ayaa sheegtay inay dowr fir fircoon ka cayaarayso la dagaalanka kooxaha burcad badeeda Soomaalida ee ka qowlaysata Xeebaha dalka Soomaaliya iyo Bdweynta India.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada badda China oo ku sugan Xeebaha dalka Soomaaliya islamarkaana qeyb ka ah howlgalka Atlanta ee la dagaalanka kooxaha burcad badeeda Soomaalida ayaa tibaaxay in dowladda China ay sii dar dar galinayso howlgalkeeda ku addan ballaarinta howlgallada ka dhanka ah burcad Soomaalida ah.
Sidoo kale Sarakiishaani ka tirsan Ciidamada badda China ayaa xusay in Xeebaha dalka Soomaaliya ay ku sugan yihiin Marakiib kuwa badda oo gaaf waregayo biyaha ku dherersan Xeebaha dalka Soomaaliya si looga hortago weerarada ay qaadayaan kooxaha burcad badeeda Soomaalida ee afduubka ku geysto Marakiibta ganasiga ah.
Hadlakaani ayaa kusoo aadaya xilli burcad badeedu wali ay ku dhiiranayaan afduubka ay u gaystaan Maraakiibta ganacsi ee isticmaalaha biyaha badweynta India iyo gacanka Cadmeed.























Comments are closed.