Ceydii Ilka-Xanaf: Waa la joojiyay dacwadaha Xildhibaanada

maalik_som September 26, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh.M.Network)  Maxkamadda sare ee Qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegtay in la joojiyay dacwadaha Xildhibaanada loo soo xulay barlamanka Soomaaliya. 

Ceydiid Abukaate Ceydiid Ilka-Xanaf Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dowladda Soomaaliya oo waraysi siiyay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in gabi ahaamba la joojiyay dacwadihii ay ka qaadi jireen Xildhibaanada barlamanka Soomaaliya oo ay soo xuleen 135-ta Odayaal dhaqan. 

Guddoomiyaha ayaa waxa uu sheegay in kaliya ay qaadi doonaan dacwadaha ka dhanka ah Xildhibaanada ku jira barlamanka oo aysan soo xulin Beelahooda sida uu hadalka u dhigay. 

Hadalkaani ayaa waxa uu imaanayaa xillo muddooyinkii dambe ay jireen Beelo kasoo yeerayay cabasho ku aaddan in la musuq maasuqay Xubnihii ay ku lahaayeen barlamanka Soomaaliya islamarkaana booska Xildhibaanimo ay galeen dad aan matalin Beelahooda.

Comments are closed.

Facebook

Twitter