Catherina Ashton oo Muqdisho kula kullantay Madaxda DKMG

maalik_som August 27, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh. M. Network)   Wafdigaani oo ay hoggaaminaysay Haweenayda Siyaasadda dibadda u qaabilsan Ururka Midowga Yurub Catherina Ashton oo socdaalkeeda Muqdisho ay ku wehliyeen Xubno kale oo ka tirsan Ururkaasi ayaa waxa ay kullamo xasaasi ah  si wadajir ah ula qaadatay Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul wasaare Gaas iyo Guddoomiyaha barlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Wafdiga oo kasoo degay Garoonka diyaaradaha ayaa kullankii ay ku qaateen Garoonka diyaaradaha oo saacado badan qaatay waxa ay kaga hadleen arrimaha quseeya Marxaladda dalka sida Doorashooyinka la fillayo inay ka dhacaan Soomaaliya iyo ka gudubka Xilliga Kumeel-gaarka ah.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo kullanka kaddib, shir jaraa’id u qabtay Bahda Saxaafadda xilli ay wehlinayeen Guddoomiyaha barlamanka iyo Ra’iisul wasaare Gaas ayaa waxa uu sheegay in Catherina Ashton iyo Wafdiga ay hoggaaminaysay ay isla fallan qeeyeen sida ugu haboon ee loo wajihi karo doorashooyinka oo ay ugu horeyso tan guddoonka barlamanka, isagoo xusay inay ka codsadeen Midowga Yurub inay sii laba jibaaraan taageerada ay la garab taagan yihiin Dowladda KMG ah iyo shacabka Soomaaliyeed.

Madxweyne Sheekh Shariif ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in kullankoodu uu qeyb ka ahaa horumarada laga gaaray dhinacyada siyaasadda, ammaanka iyo horumarka bulshada iyo in lasii xoojiyo fursadahaasi ay horseeday dowladda KMG ah oo ay taageerayeen Beesha Caalamka.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan Midowga Yurub ay soo gaaraan Magaalada Muqdisho, hase ahaatee Wafdiga ay maanta hoggaaminaysay Catherina Ashton ayaa kusoo beegmaya xilli Xasaasi ah oo dalka uu ku jiro arrimo badan oo ay ugu weentahay Doorashooyinka iyo murranka ka taagan qaabka loo wajahayo.

Comments are closed.

Facebook

Twitter