Cali Gaab Oo Muqdisho Lagu Dhaawacey

maalik_som December 4, 2012 Comments Off

MOGADISHU(Sh.M.Network)— Dhaawaca soo gaarey Taliyaha Ciidamada ilaalinta Wadooyinka Generaal Cali xirse Bare Cali Gaab ayaa waxaa ka soo baxaya warar kala duwna oo ku aadan qaabkii uu u dhaawacmey Generaal Cali Gaab.

Taliyaha ayaa waxa uu ka dhaawacmey Lugta sida ay inoo sheegeyn ilaaladiisa waxaana la geeyey isbitaalka Daarul shifaa ee Magaalada Muqdisho si loogu dabiibo halkaasi.

Wariyaal badan oo gaarey durbadiiba isbitaalka Daarulshifa si wax badan ay kaga ogaadaan dhaawaca soo gaarey taliyaha ciidamada Ilaalinta wadooyinka Cali Gaab hayeeshee waxaa is hortaagey wariyaasha ilaalada gaarka u ah taliyaha iyagoona diidey in la wareysto taliyaha xaalad caafimaad darteed aysana wax wareysi ah aysan dhiibi karin ilaa amar dambe.

Dhanka kale Generaalka Axmed Xasan Maalin taliyaha Ciidanka Booliska gobolka Banaadir ayaa inoo xaqiijiyey in taliyahu uu dhaawacey nin ka tirsan ciidamada Haatana gacanta lagu haayo waxaana uu intaa ku darey in Taliye Cali Gaab uu hataan fiican yahay cagahiisana uu ku socdo warbaahinta uu la hadli doono  .

Comments are closed.

Facebook

Twitter