Nairobi: (Sh.M.Network) — Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Max’ed Cali Ameeriko oo la hadlayay Warbaahinta ayaa waxa uu dowladda Kenya ka codsaday in Safaaradda Soomaalida ay kusoo wareejiso Kontoner siday Baasabooro Soomaali ah oo sanadkii hore Dowladda Kenya ay ka qabatay Magaalo Xeebeedka dalka Kenya ee Mombasa.
Ambassador Max’ed Cali Ameeriko ayaa waxa uu sheegay in loo baahan yahay in baaritaanno lagu sameeyo sababihii ka dambeeyay in dalka Kenya si sharci darro ah loo soo galiyo Baasabooro Soomaali ah sida uu hadalka u dhigay.
Safiirka ayaa waxa uu walaac ka muujiyay in Baasabooradaasi ay u gacan galaan Ururka Al-qaacidda, haddii aan dib loogu soo celin Dowladda, isagoo xusay in Kenya iyo Dowladda ay ku ballansan yihiin inay iska kala wareegaan Baasabooradaasi.
“ Xaaladda ammaan ee dalka Kenya maahan sidii hore, waxaa laga yaabaa in Baasabooradaasi loo waday Kooxda Al-qaacidda si ay dhibaato u maleegaan” sidasai waxa yiri Ambassador Ameeriko.
Hadalka ayaa waxaa uu imanaayaa xilli Sanadkii hore Ciidamada Booliska ee Dowladda Kenya ay Magaalada Mombasa ku qab qabteen Kontenar Baasbaooro oo uu waday nin u dhashay dalka India kuwaasi oo illaa iyo iminka aan la ogeyn u jeedka laga lahaa.























Comments are closed.