Cali Ameeriko: Dhismihii Safaarada Somalia ee Kenya dib ayaa loo soo celiyay

maalik_som February 23, 2013 Comments Off

Nairobi (Sh.M.Network)— Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya ayaa waxa uu sheegay in ay ku guuleysteen dib u soo celinta dhismihii safaarada Soomaaliya ay kula heyd Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Ambassador Maxamed Nuur Cali Ameeriko oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dib u heshay waraaqihii Aqoonsiga ee dhismaha safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya, taasi oo muddo dheer ka maqneyd gacanta Umadda Soomaaliyeed.

Cali Ameeriko ayaa waxa uu tilmaamay in Dhismahaasi si qalad ah loo iibiyay sanadku markuu ahaa 1995tii, waxana u xusay in uu iibiyay Nin Wakiilkii uga ahaa dowladda xiligaasi dhismaha safaaarada Soomaaliya ee dalka Kenya.

Waxa uu sheegay in guushan weyn ee u soo hoyatay Umadda Soomaaliyeed ay dadaal weyn ka geysteen Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya, waxaana uu ku amaanay dadaalka ay u galeen soo celinta hantida qaranka Soomaaliyeed.

Safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa dadaal dheer u gashay sidii dib loogu soo celin lahaa dhismaha safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya, taasi oo ay gacanta ku hayeen dad Kenyaati ah oo sheegay in laga iibsaday.

Sh.M.Network

Comments are closed.

Facebook

Twitter