Muqdisho: (Sh. M. Network) Waxaa Xafladda Caleemo saarka ah ee Madaxweynaha cusub ee Soomaaliyha ay ka socotaaa Xarunta Iskool Buluusiya ee Magaalada Muqdisho, iyadoo ay goob joog ka yihiin Wafuud Caalami ah.
Hoolka ay Xafladda ka socoto ayaa ah meel jawigeed uu aad u dagan yahay islamarkaana Madaxda ay isugu marxabeynayaan, waxaana la sheegay in halkaasi ay ku sugan yihiin Madax Caalami ah.
Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya waxa soo gaaray Madax kale duwan oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Ra’iisul wasaare ku xiggeenka dalka Turkiga, Ra’iisul wasaaraha kumeel gaarka ah ee Ethiopia, Wakiilka Madaxweynaha Sudan , Wafuud ka kala socota Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika, IGAD, Ururka Islaamka iyo sidoo kale Wafuud kale oo heer Caalami ah kuwaasi oo u jeedkoodu yahay ka qeyb galka Xafladda lagu caleemo saarayo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Max’ud.
Qudbadaha ayaa halkaasi si toos ah uga socda, waxaana ku sugan Madaxada dowladda Soomaaliya, Madaxdii Dowladda Kumeel gaarka aheyd, Saraakiil ka kala socota Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda oo xaqiijinaay aammaanka Madasha ay Xafaladda ka socoto.
Waddooyinka Gala Xarunta Iskool Buluusiya iyo kuwa ka baxa ayaa si aad ah loo adkeeyay ammaankooda, waxaana loo diiday in halkaasi laga sameeyo dhaq dhaqaaq aysan raali ka aheyn Ciidamada Dowladda.
Haddaba Xafladda socota wixii kusoo kordhaa kala soco Shabelle.net haddii Alle Idmo
























Comments are closed.