Islii: (Sh.M.Network) Qaar ka mid ah Ganacsatada ku dhaqan Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxa ay sheegeen in saakay ay ka jiraan gudaha Xaafaddaasi Xiisado u dhaxeeya Soomaalida iyo Kenyanka ku sugan halkaasi.
“ Saakay dhaq dhaqaaqa sidii hore uma jiro, waayo qof waliba oo Soomaali ah waxa uu dareemayaa cabsi, waxaa laga baqayaa inay dhacdo aargoosasho” sidaasi waxa yiri ganacsade ku sugan halkaasi.
Xiisadaha ayaa lagu soo waramayaa inay ka dambeeyaan kaddib markii shalay kooxo hubaysan ay weerar ku qaadeen Kaniisad ku taalla Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi halkaasi oo ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen Muwaadiniin Kenyan ah.
Ciidamada Booliska Dalka Kenya ayaa gaafwareegaya Xaafadda Islii, iyagoo xaqiijinaya ammaanka sida ay soo sheegayaan Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku sugan gudaha Magaaladaasi.
Wixii kusoo kordhaa kala soco Shabelle.net haddii Alle Idmo.























Comments are closed.