Cabdullaahi Gaafow oo beeniyay eedeymo loo jeediyay

maalik_som August 26, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh. M. Network) –   Kaddib shir jaraa’id oo uu maanta Magaalada Muqdisho ku qabtay Taliyaha Hoggaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Dowladda KMG ah Sareeye Gaas Cabdullaahi Gaafoow Max’ud ayaa waxa uu kaga hadlay eedeyn saacadihii lasoo dhaafay loo jeedinayay taasi oo ku aaddan in uu ka dambeeyay xarigga loo geystay Taliye ku xiggeenkii Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Cabdi Barre Yuusuf kaasi oo haatan u xiran Dowladda KMG ah. 

Taliyaha ayaa waxaa uu sheegay in wax lala yaabo ay tahay in si shaqsiyan ah loogu eedeeyo in xarigga Mas’uulkaasi ka tirsanaa Waaxda Socdaalka, iminkana ka mid ah Xildhibaanada cusub ee barlamanka, isagoo xusay inay jirtay eedeymo is daba joog ah oo horey Mas’uulkaasi uu ugu jeediyay Waaxda Socdaalka.

Cabdullaahi Gaafoow ayaa waxa uu sidoo kale sheegay inaysan jirin dhibaato si shaqsiyan ah ugu dhaxeysa Mas’uulka xiran iyo isaga qudhiisa, hase ahaatee loo heysto Mas’uulkaasi in uu soo cadeeyo waxa uu ku sheegay been abuur oo uu u jeediyay Waaxda socdaalka.

Sikastaba ha ahaatee Xildhibaan ka tirsan barlamanka Puntland oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in Cabdi Barre Yuusuf oo ka tirsanaa Laanta socdaalka, haatanna ah Xildhibaan ka tirsan barlamanka ay xabsiga dhigeen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo uu ka mid yahay Sareeye Gaas Cabdullaahi Gaafoow Max’ud.

Comments are closed.

Facebook

Twitter