Cabdi Faarax Shirdoon oo la wareegay Xafiiska R/wasaaraha

maalik_som October 18, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh.M.Network)— Munaasabaddaani oo aheyd mid ballaaran islamarkaana ay xilalka ku kala wareegayeen  R/wasaaraha Dowladda Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon iyo R/wasaarihii Xukuumada KMG aheyd ee C/wali Max’ed Cali Gaas ayaa maanta waxa ay ka dhacday Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya. 

Ugu horeyn Munaasabadda ayaa waxa ka hadlay R/wasaarihii Xukuumaddii KMG ah C/wali Max’ed Cali Gaas, kaasi oo sheegay in Xukuumaddiisa ay wax badan ka qabatay xasilinta dalka, la dagaalanka musuq musuqa iyo dagaalada ka dhanka ah Al Shabaab sida uu hadalka u dhigay. 

Sidoo kale waxaa Madasha ka hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’ud kaasi oo sheegay in Xukuumaddii hore ay ku amaanan tahay wax ka qabashada xaaladda dalka Soomaaliya, iyadoo aan marna ilaabi doonin dadaalka Xukuumaddii Gaas, waxaana uu sheegay Madaxweynaha in  xil wareejintaani ay tahay wax lagu farxo, islamarkaana waxa uu ka codsaday Madaxweynaha R/wasaare Gaas in uu la shaqeeyo R/wasaaraha iminka tallada la wareegay ee Cabdi Faarax Shirdoon. 

Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) R/wasaaraha cusub ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo isna ka hadlay Munaasabadda xil wareejinta ayaa waxa uu ugu horeyn u mahadceliyay R/wasaarihii hore ee Xukumada KMG aheyd ee C/wali Max’ed Cali Gaas, wuxuuna sheegay in howsha uu halkeeda kasii  wadayo islamarkaana Xukuumaddiisa ay wax badan ka badalanaan doonto kuwii soo maray dalka. 

Xildhibaanada Soomaaliyeed ayaa shalay cod caqlabiyad leh ku ansixiyay R/wasaare Shirdoon, iyadoo durba maanta R/wasaaraha uu la wareegay Xafiiska R/wasaaraha, islamarkaana muddo yar looga sugayo Xukuumada tayo leh.

Comments are closed.

Facebook

Twitter