Muqdisho- (Sh. M. Network) – Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug Max’ed Axmed Caalin ayaa waxa uu kasoo horjeestay hadal xalay kasoo yeeray Madaxweynaha dowladda oo ku aaddanaa in Saxiixayaasha Road-map-ka ay u dhan yihiin in Xildhibaanadii dib loo soo celiyo ee la eedeeyay loo baahan yahay in Maxkamad sare loo gudbiyo. Islamarkaana go’aanka ugu dambeeya ay leedahay Maxkamadda sare.
Caalin, Madaxweynihii hore ee Galmudug ayaa waxa uu shirkiisa jaraa’id ku sheegay in hadalkaasi uu yahay mid aysan u dhameyn Saxiixayaasha Road-map-ka, isagoo tibaaxay in taasi ay kasoo horjeeddo siyaasadda iyo sharciga sida uu hadalka u dhigay.
Galmdug, Puntland iyo Ahlu Sunna ayuu sheegay Max’ed Axmed Caallin in hadalkaasi aysan u dhameyn islamarkaana uu yahay mid lagu deg degay oo aan lagala tashan dhinacyadaasi.
Muddooyinkii dambe ayaa waxaa jiray Xildhibaano ay soo xullinayeen guddiga Farsamada ee soo xulista Mudanayaasha barlamanka, iyadoo habeenkii xalay aheyd uu Madaxweyne Shariif sheegay in go’aanka Xildhibaanada loo gudbiyo Maxkamadda sare. Si go aan kama dambeys ah loo gaaro.























Comments are closed.