Taipei: (Sh.M.Network) Burcad badeeda ayaa la sheegay inay sii dayaan Markab laga leeyahay dalka Taiwan.
War kasoo baxay Wasaaradda gaadiidka Cirka, Dhulka iyo badda ee dowladda Taiwan ayaa lagu xaqiijiyay in burcad badeedu ay sii daayeen dooni kalluumeysi oo laga lahaa dalkaasi, horayna ay afduub ugu heesteen burcad badeeda.
Dowladda Taiwan ayaa shaacisay in afduubka doonidaani ay timid xilli ay sahay u siday Maraakiibta dagaalka ee Taiwan kaga sugan biyaha Soomaaliya, iyadoo Wasaaraddu tilmaamtay in lacag Madax furasha ah lagu sii daayay Doonidaasi.
“ Muddo ayay gacanta ku hayeen Kooxaha burcad badeeda Markabkan, hadda waa xor oo waa lasii daayay, lacago Madax furasho ah ayaa la bixiyay” sidaasi waxa lagu yiri war kasoo baxay Dowladda Taiwan.
Sikastaba Dowladda ayaa wacad ku martay inaysan ka baaqsan doonin howlgalkeeda la dagaalanka Kooxaha burcad badeeda Soomaalida oo dhibaato ku ah Maraakiibta ganacsi ee isaga kala goosha Biyaha Caalamiga ah.






















Comments are closed.