Burcad badeeda oo lacago madax furasho ah ku siidayay Markab

maalik_som October 21, 2012 Comments Off

Moqdisho (Sh.M.Network)—Burcad badeeda Soomaalida ayaa lacago madaxfurasho ah ku sii daayay Markab ay gacanta ku hayeen mudo labo sano ah.

Kooxaha burcad badeeda Soomaaliya ayaa sheegay inay sii dayeen Markan oo laga lahaa dalka Iskutaga Imaaraadka Carabta oo ay gacanta ku hayeen muda dhan laba sano, kaasi oo ku heysteen xeebaha dalka Soomaaliya.

Midka mid ah horjoogayaasha kooxaha burcad badeed Soomaaliya oo lagu magacaabo Xasan Cabdi ayaa xaqiijiyay in markabkani ay siidayeen kaddib markii ay ka qateen lacago madax furasho oo garaya 600-kun oo dolarka Maraykanka ah.

Markabkani oo lagu magacaabo MV Orna ayaa waxa la socday shaqaale gaaraya ila iyo 7-badmaax, hase yeeshee kooxaha burcadu ayaa dilay Bishii August  midkamida badmaxayaashaasi kagadaal markii laga soo daahiyay lacago Madaxfurasho ay codsadeen.

Xasan Cabdi oo ah horjooge ka tirsan burcad badeeda ayaa sidoo kale sheegay in ay  siidaayeen Markabka balse ay la hareen 6-badmaax oo la soday Markabakaasi.

Kooxaha burcad badeda Soomaalida ayaa bishii Desembar ee sanadii 2010-kii ka qafaashay Markabkani MV Orna meel qiyaastii u jirta 400-mile xeebta Jasiidara Seychelles ee badweyna India.

Sikastaba, weerarada ay kooxaha burcad badeeda ka sameeyaan badweynta India ayaa hoos u dhacay bilihii u danbeeyay, walow ay burcad badeedu gacanta ku hayaan 6-markab iyo 170 la heystayaal ah.

Comments are closed.

Facebook

Twitter