Muqdisho: (Sh. M. Network) Waxaa Xarunta Iskool Buluusiya ee Magaalada Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay Doorashada Gudoomiye ku xiggeenka Koowaad ee barlamanka oo u taramaysay Musharixiinta kale ah Jeylaani Nuur Iikar, C/weli Sheekh Ibraahim Muudey, Bashiir Maxamed Jaamac iyo Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.
Wareegga Koowaad ayaa la isku mari waayay, waxaana wareegga labaad isugu soo haray Jeylaani Nuur Iikar iyo C/wali Sheekh Ibraahim Muudeey.
- Jeylaani Nuur Iikar ayaa helay 91-Cod
- C/wali Sheekh Ibraahim Muudey ayaa helay 58-Cod
- Bashiir Max’ed Jaamac ayaa helay 30-Cod
- Max’ed Cabdi Xayir Maareeya ayaa haley 30-Cod
Wareegga ugu dambeya ayaa waxaa isugu usoo haray Jeylaani Nuur Iikar iyo C/wali Sheekh Ibraahim Muudey, iyadoo ugu dambeyn Musharixiinta ay u wada tanaasuleen Jeylaani Nuur Iikar oo noqday Gudoomiye ku xiggeenka Koowaad ee barlamanka Soomaaliya.
Wixii kusoo kordhaa kala soco Shabell.net haddii Alle Idmo.























Comments are closed.