Burcad badeeda oo haysata 43-Badmaax oo Indian ah

maalik_som August 28, 2012 Comments Off

Delhi: (Sh. M. Network) Dowladda India ayaa sheegtay in Kooxaha burcad badeeda Soomaalida ay gacanta ugu jiraan 43-Badmaax oo kasoo jeeda dalka India kuwaasi oo ay gacanta ku dhigeen burcad badeeda Soomaalida xilli ay marayeen Badweynta Inida.

Wasiirka Macdanta iyo Shidaalka ee Dalka India  ayaa tibaaxay in Dowladda India ay guddi u saartay sidii loola xaajoon lahaa burcad badeeda, islamarkaana looga hortagi lahaa inay dhibaato u gaystaan Muwaadiniinta kasoo jeeda dalkaasi.

Wasiirka ayaa sheegay in xilligii la afduubanayay Muwaadiniintaani ay saarnaayeen Markab uu ka dul babanayay Calanka dalka India islamarkaana uu marayay Badweynta Inida, kaddibna rasaas ay ku fureen burcad badeeda ay usuuro gallisay inay gacanta ku dhigaan Markabkaasi.

Ugu dambeyn Dowladda Inida ayaa xustay inay ku rajo weyn tahay soo bad baadinta Muwaadiniintaani, iyadoo burcad badeeda kala hadlaysa sidii loo sii dayn lahaa dibna ay u heli lahaayeen xoriyadoodu.

Comments are closed.

Facebook

Twitter