Nairobi: (Sh. M. Network) Kooxaha burcad badeeda Soomaalida ayaa sheegay inay dileen Kaptankii Markab uu ka dulbabanayay Calanka Panama islamarkaana u howlgalayay Shirkad dhinaca Badeecadaha ah oo ka shaqeysa Imaaraadka Carabta.
Xuseen Cabdi oo ah Madaxa Kooxaha burcad badeeda Soomaalida ayaa tibaaxay in hadda ay jiraan dhaawacyo kale oo la gaarsiiyay qaar kale oo ka tirsan Shaqaalaha saarnaa Markab uu ka dulbabanayay Calanka Panama, iyagoo Markabkaasi gacanta ku hayay Muddo 2-sano ah.
Markabkaani oo lagu magacaabo MV Orna, kana diiwaan gashan Imaaraadka Carabta ayaa waxa ay kooxaha burcad badeeda Soomaalida ay gacanta ku dhigeen bishii September 2010-kii xilli uu marayay meel Jasiiradda Shiisalis ujirta 400-KM.
Ugu dambeyn qabsashada Markabka iyo dilka Kaptanka ayaa la sheegay inay ka dambeysay kaddib markii kooxaha burcad badeeda ay ka cawdeen in laga gaabiyay in lasiiyo lacago Madax furasho ah oo ay dalbanayeen in muddo ah.























Comments are closed.