Muqdisho ( Sh.M.Network) Boqolaal Askari oo Ka tirsan Ciidamada dowladda Federaalka ayaa tababar Ciidanimo Loogu soo Gaba gabeeyay Dalka Uganda.
Wasiirka Difaaca ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Xakiin Xaaji Max’ud Fiqi oo Lahadlay BBCda ayaa sheegay in muddo bilooyin Askartani lagu tababarayay Xero ku taalla Magaalada Bihinga ee dalka Uganda.
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mr Fiqi ayaa tilmaamay in Tababarka Ciidamada Soomaalida ay qaadanayeen ay ku aadaneed sidii ay u difaaci lahaayeen dalka iyo dadkooda.
Fiqi ayaa Sidoo Kale tibaaxay in Tababarka ay gacan weyn ka geesteen Ururka Midowga Yurub ee dalka Mareekanka iyagoo bixinayay dhaqaalaha ku baxayay Tababarkaasi.
Maaha Markii ugu horeysay ee Dalka Uganda oo Tababar Ciidan ay ku soo qaataan Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.























Comments are closed.