Mombasa: (Sh. M. Network) Taliye ku xiggeen Ciidamada booliska Gobolka Moses Ombatt oo la hadalay Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa waxa uu xaqiijiyay in 150 waxyaabaha qarxa ah iyo qalabka lagu farsameeyo ay ka heleen guri ku yaalla Magaalada Nairobi.
“Waxaan kuu xaqiijinayaa in waxyaabaha qaraxyada loo adeegsado iyo sidoo kale qalab laga helay guri ku yaalla Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya” sidaasi waxaa sheegay Moses Ombatt.
Moses Ombatt ayaa sheegay in waxyaabahan le helay ay muujinayaan Qatar hor leh oo uu wajahayo qaranka Kenya kaasi oo ay ku soo food leeyihiin doorashooyin madaxnimo oo dhici doona sanadka soo socda ee 2013-ka.
Ilaa iyo hadda ciidamada booliska dalka Kenya ma sheegin cidda lagu tuhun san yahay in ay hubkaan leeyihiin laakiin waxa la tilmaamayaa in uu jiro tuhun ah in kooxo xiriir la leh Al Qacidda ay ku lug leeyhiin.
Arrintani ayaa imaaneysa xilli xaaladda dalka Kenya ay aad u qasan tahay gaar ahaan Magaalada Mombasa oo dhawaan lagu toogtay Wadaad diimeed Muslim ah oo lagu Magacaabi jiray Aboud Rogo taasi oo ay ka dhalatay rabashado aad u xooggan, waxaana hadda laga cabsi qaba in amini darada sii kor dheysa ee ka jirta dalkaasi ay saameeyn ku yeelato doorasha Kenya ay isku diyaarineyso ee sanadka soo socda.























Comments are closed.