Booliska Briten oo baadi Goob ugu Jira Muwaadin Soomaali ah

maalik_som January 1, 2013 Comments Off

London(Sh.M.Network)—Muwaadin Soomaali ah oo la tuhunsanyahay in uu Xiriir laleyahay Ururka Al Qaacida ayaa waxaa baadi Goob ba’an ugu Jira dowladda Ingiriiska

Ninkaan ayaa si weyn waxaa howlgallada lagu baadi Goobayo ay uga socdaan qaybo kala duwan oo ka tirsan dalkaasi Ingiriiska Sida uu qoray Dial mail.

Muwaadinkaan Soomaaliga ah ee baadi Goobka loogu jiro ayaa lagu Magacaabaa Ibrahim Maygag kaasi oo da’diisa la sheegay in ay tahay 28-sano jir oo la la’yahay  tan iyo 26-kii bishii December ee dhamaatay.

Xoghayaha Arrimaha gudaha ee Ingiriiska Theresa May ayaa horay u weydiisatay Maxkamada sare in laqaado xayiraada ku aadan in ninkan la garawsado in uu qatar ku yahay Amaanka islamkaana uu la shaqeeyo Argagixisada.

Ibrahim Maygag ayaa ka tirsanaa Shabakad fadhigeedu yahay Ingiriiska oo taageerta Xarakada Al Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya taasi oo Gacansaar dhow ay leeyihiin Ururka Al Qaacida

Comments are closed.

Facebook

Twitter