Muqdisho: (Sh.M.Network) Taliye ku xiggeenka Ciidamada Booliska ee AMISOM oo shalay ka qeyb galay kullan Magaalada Muqdisho oo looga hadlayay ammaanka ayaa waxa uu sheegay in Booliska AMISOM ay ka go’an tahay xaqiijinta ammaanka gobolka Banaadir.
Taliyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in booliska AMISOM aysan shaqeyn karin kaligood, maadaama ay cusub yihiin haddii aysan wada shaqeyn kale ka hellin Booliska Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay.
Taliye ku xiggeenka ayaa waxa uu carabka ku dhuftay in Booliska AMISOM la gaarsiin doono Saldhigyada gobolka Banaadir sidii ay wada shaqeyn ula sameyn lahaayeen Booliska Soomaaliya, isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka.
Hadalkaani ayaa waxa uu imaanayaa xilli degmooyinka gobolka Banaadir ay ka dhacaan dilal qorsheysan oo loogeysto dad rayid ah iyo kuwa kale oo wax gal u ah bulshada Soomaaliyeed.























Comments are closed.