Belgium oo lagu qab qabtay Ajaaniib xiriir la leh Al Shabaab

maalik_som October 11, 2012 Comments Off

Brussels: (Sh.M.Network) — Saraakiisha Ciidamada ammaanka ee dalka Belgium ayaa sheegay in baaritaanno ay ka sameeyeen gobolo kala duwan oo ku yaalla dalkaasi ay u suuro gashay inay gacanta kusoo dhigaan Rag la tuhusan yahay inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab.  

Saraakiisha Ciidamada ammaanka ee Magaalada Brussels ayaa waxa ay sheegeen in Raggaani ay gaarayaan illaa 7-ruux kuwaasi oo lix ka mid ah ay kasoo jeedaan Dalka Morocco halka midka kalena uu kasoo jeedo dalka Belgium-ka. 

Dowladda Belgium-ka ayaa xustay in arrintaani ay ka dambeysay kaddib bishii August 2011-kii, nin haysta Dhalashada Belgium-ka laga qabtay Xadadka u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya, kaasi oo sheegay in uu ka bar bar dagaalamayay Kooxda Al Shabaab.  

Ugu dmabeyn Afhayeenka Faderalka ee dalka Belgium-ka ayaa xusay in baaritaannadaani ay socdeen muddo dhor Maalmood ah islamarkaana guri guri loo baarayay gobolo ku yaalla dalkaasi, ugu dambeynna lagu guuleystay in gacanta lagu soo dhigo 7-dani ruux.

Comments are closed.

Facebook

Twitter