Beesha Xawaadle oo sheegtay in sameysanayso Ugaas Cusub

maalik_som September 15, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh. M. Network) Kullankaani oo ahaa mid ay isugu yimaadeen Aqoonyahanno, Siyaasiyiin iyo Waxgarad kasoo jeeda Beesha Xawaadle ayaa waxaa looga arrinsanayay Masiirka Beeshaasi, iyagoo si way u dhaleeceeyay Ugaaska Beeshaasi oo ay sheegeen in uu gudan waayay Wajaaibaadkii loo idmaday. 

Cali Jeyte Cismaan oo ka mid ah Siyaasiyiinta kasoo jeeda Beeshaasi oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in Beesha ay go’aan satay inay sameysato Ugaas cusub oo badala Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo ah Ugaaska Beesha Xawaadle, kaddib markii lagu eedeeyay in Noloshiisa inta badan uu ku qaadanayo dalka Kenya. 

Sidoo kale Cali Jeyte ayaa waxa uu sheegay inay ku dhawaaqeen illaa iyo 9-Xubnood oo kasoo tala bixisa qaabka loo duubayo Ugaaska Cusub ee la fillayo dhawaan in looga dhawaaqo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.

 Nabadoon Max’ed Axmed Xoorshoow oo isna kullankaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in Ugaaska C/raxmaan Ugaas Khaliif uu xamili waayay Mas’uuliyadda saaran, sidaasi daraadeedna uu xilkiisa u wakiishay labo Xubnood oo uu tibaaxay inay kala fogeeyeen Midnimada Beeshaasi. Isagoo intaasi raaciyay in Wakiilladii uu soo magacaabay Ugaaska ay musuq maasuqeen qaabka loo soo xulay Xildhibaanada haatan ku jira barlamanka Federalka Soomaaliya. 

Qaylo dhaantaani kasoo yeertay Beesha Xawaadle ee ku aaddan is qab qabsiga dhica dhaqanka ayaa imaanaysa xilli Beelaha Soomaaliyeed intooda badan ay Madaxa isla galeen tan iyo markii la bilaabay soo xulidda Xildhibaanada cusub ee barlamanka Soomaaliya.

Halkan Ka Daawo Sawirrada Beesha Xawaadle

Comments are closed.

Facebook

Twitter