Beesha Xawaadle oo eedeysay Ugaaska Beeshasi

maalik_som September 17, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh. M. Network) Beesha Xawaadle ayaa maanta kullan ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya waxa ay ku eedeyeen Ugaaska Beeshaasi iyo Guddigii farsamada. 

 Kaddib kullan maanta Magaalada Muqdisho ay ku yeesheen Odayaasha dhaqanka, aqoonyahannada, Culumaa’udiinka, Saraakiisha iyo Haweenka beesha Xawaadle ayaa waxa ay kaga soo horjeesteen Xildhibaano ka tirsan Barlamanka kuwaasi oo ay ku tilmaameen in si sharci darro ah uu usoo xulay Ugaaska beeshaasi,  Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif. 

Qaar ka mid ah aqoonyahannadii iyo waxgaradkii kasoo qayb galay kullanka ayaa sheegay in guddigii farsamada soo xulista Xildhibaanda Barlamanaka iyo guddigii xalinta qilaafaadka Odoyaasha dhaqanka ay ku gacansiiyeen Ugaaska Beeshoodu in uu musuq maasuq ku sameeyo Xildhibaanada Beesha Xawaadle ay ku laheyd Barlamanka Soomaaliya. 

Sidoo kale Siyaasiyiinta beesha Xawaadle ee kullanka ka hadlay ayaa sheegay in meel wanaagsan ay u mareyso doorashada Ugaas cusub oo ay yeelato beesha Xawaadle isagoo tilmaamay in guddigii loo xilsaaray arrintaasi shaqadoodu ay u socto sidii loogu talagalay. 

Dhawaan ayay aheyd markii kullan Muqdisho ay ku yeesheen qaybaha ay ka kooban tahay beesha Xawaadle ay ku sheegeen in aqoonsigi ay u hayeen Ugaaska beeshaasi ay kala laabteen,  iyagoo guddi u saaray  magacaabista Ugaas cusub oo ay yeelato Beesha Xawaadle.

Comments are closed.

Facebook

Twitter