Beesha Xawaadle oo dalbatay in la gar gaaro dad ku dhibaataysan..

maalik_som September 30, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh.M.Network)     Kaddib kullan ballaaran oo maanta Magaalada Muqdisho ku yeesheen Waxgarad, Culumaa’udiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ee kasoo jeeda Beesha Xawaadle ayaa maanta waxa ay ugu hadleen fatahaadihii ka dhacay Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan. 

Kullanka kaddib ayaa waxa ka hadlay Xoghayaha Guddiga qaban qaabada Caleemo saarka Ugaaska Beesha Xawaadle Saacid Baroow kaasi oo baaq u jeediyay in Beesha Caalamka iyo Dowladda ay gar-gaar la gaaraan dadkii dhibaatada kusoo gaartay halkaasi. 

Sidoo kale waxaa kullanka ka hadlay Prof. Axmed Max’ed Wehliye kaasi oo sheegay in Beesha ay isku raacday inay u qabtaan dadkii dhibaatada kasoo gaartay fatahaadii ka dhacday Magaalada Baladweyne, Caalamkana looga baahan yahay inay garab istaagaan dadkaasi. 

Dhawaan ayay aheyd markii Roobab ka da ay Magaalada uu sababay in uu fataho Wabiga Shabelle, iyadoo halkaasi ay ku dhinteen dad badan, kuwa kalena ay ku hoy iyo duunyo beeleen.

Comments are closed.

Facebook

Twitter