Beesha Silcis Hawiye oo beenisay Nin u matalaya barlamanka Somaliya

maalik_som August 26, 2012 Comments Off

Muqdisho- (Sh. M. Network) –    Suldaan Ismaaciil Max’ed Xuseen oo ah Ugaaska Beesha Silcis Hawiye oo waraysi siiyay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in nin aan matalin beeshaasi uu ku fadhiyo kursiga  Barlamanka cusub ay ku leeyihiin Beeshaasi. 

Suldaanka ayaa ugu baaqay Guddiga Farsamada in ninkaasi aan matalin Beesha Silcis Hawiye laga soo saaro Xildhibaanada barlamanka, isagoo dhinaca kalena sheegay in ninkaasi uusan ka soo jeedin beesha Silcis sida uu hadalka u dhigay. 

Suldaan Ismaaciil Max’ed Xuseen ayaa waxa uu wacad ku maray in beesha aanu u dulqaadan doonin in nin aan matalin uu kusii fadhiyo ku rsiga Xildhibaanimo ee beesha Silcis Gargaarto ay qaybta u leedahay, wuxuuna intaasi ku daray Suldaanka in arrintaasi Maxkamad lasoo taagi doonto cid waliba oo ka shaqeysay arrimahaasi. 

Muddooyinkii ugu dambeyay ayaa waxaa soo kor hayay cabashooyinka kala duwan ee ka imaaneysay Beelaha Soomaaliyeed ee ku aaddan in dad aan matelin beelahooda ay ku fadhiyaan Kuraastii ay ka lahaayeen barlamanka Soomaaliyeed.

Comments are closed.

Facebook

Twitter