Muqdisho: (Sh. M. Network) Yuusuf Axmed Max’ed Bootaan oo sheegay in Beesha Sabti uu wakiil ugu yahay Odayaasha dhaqanka ee soo xulay Xildhibaanda cusub ee barlamanka ayaa waxa uu tilmaamay kaddib shir jaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Muqdisho inay si aad ah ugu soo horjeedaan hadal shalay kasoo baxay Ugaaska Beesha Muransade, Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi (Fara-cadde).
Nabadoonka ayaa waxa uu sheegay in Xubinta Xildhibaan ee Beesha Sabti ay ku leedahay barlamanka Soomaaliya ay si buuxda ugu matalayso Maryan Cali oo uu sheegay in loo dhaariyay ka mid noqoshada Xildhibaanada cusub ee barlamanka Soomaaliya.
Yuusuf Axmed Max’ed Bootaan ayaa waxa uu sheegay in Beeshooda ay wadaan abaabul ku aaddan sidii Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi looga tirin lahaa Ugaasnimo oo uu u hayo Beesha sida uu hadalka u dhigay.
Hadalka maanta kasoo baxay Beesha Sabti ayaa imaanaya xilli shalay kullan ka dhacay Magaalada Muqdisho oo ay isugu yimaadeen Beesha Cabdalla Sabti ay ku eedeeyeen guddiga Farsamada uu musuq maasuqay Xubintii ay ku lahaayeen barlamanka cusub ee Soomaaliya, islamarkaana guddiga iskiisa uu u keensaday Xildhibaan isaga u gaar ah.























Comments are closed.