Beesha Garre: Jawaari wuu na musuq maasuqay

maalik_som September 9, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh. M. Network)  Kullankaani oo ahaa mid ballaaran islamarkaana ay kasoo qeyb galleen Mas’uuliyiinta Beesha Garre, Aqooyahanno iyo waxgarad ayaa waxa ay si toos ah kaga soo horjeesteen Guddoomiyaha Barlamanka Soomaaliya oo ay sheegeen in uu ku takri falay Xaqii Beesha ay ku laheyd Xubnaha barlamanka. 

Ugaaska Beesha Garre Nuur Shaakoow Jabriil oo kullanka markii uu idlaaday kaddib la hadlay Saxaafadda ayaa waxa uu sheegay in Guddoomiyaha barlamanka Soomaaliya Prof. Max’ed Cismaaan Jawaari uu ku takri falay Beesha Garre, isagoo xusay in Beesha ay dooratay Xildhibaan ka qeyb galayay Muddooyinkii dambe kala fadhiyadii barlamanka, sugayayna in la dhaariyo, hase ahaatee la musuq maasuqay. 

“ Anigoo ah Ugaaska Beesha Garre waxaan halkan ka cadeynayaa in Jawaari uu musuq maasuqay Xildhibaan ay soo doortay Beesha Garre, wuxuu sameeyay iyadoo la sugayay in Xildhibaanka la dhaariyo la sameeyay musuq maasuq iyo lacago la siiyay guddi uu sameeyay Jawaari, sidaasina waxaa lagu galiyay nin aan matalin beesha” sidaasi waxa yiri Ugaaska Beesha Garre Nuur Shaakoow Jabriil. 

Isagoo hadalkiisa wata Ugaaska ayaa waxa uu sheegay in marna aysan ka hari doonin cadaalad darrida lagu sameeyay islamarkaana ay arrintaani gaari doonto illaa heer Maxkamad sida uu hadalka u dhigay. 

“ Waxaan Qaramada Midoobay u sheegaynaa in Jawaari uu ku kacay Cadaalad darro, waayo isagoo aan ila tashin anigoo ah Ugaaska Beesha Garre ayuu si qalad ah u galiyay shaqsi kale oo aan matalin Beesha” sidaasi waxa mar kale yiri Ugaaska Beesha Garre. 

Waa markii ugu horeysay oo musuq maasuq iyo wax isdaba marin lagu eedeeyo Guddoomiyaha barlamanka Prof. Max’ed Cismaaan Jawaari, iyadoo aan jirin illaa iyo iminka wax war ah oo kasoo baxay Guddoonka oo ku aaddan eedeymahaani.

Comments are closed.

Facebook

Twitter