Beesha Cabsiye Ceyr: Ugaaska Ceyr waa Sanam Dadeed

maalik_som September 30, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh.M.Network)  Beesha Cabsiye Ceyr oo ka mid Beelaha Soomaaliyeed ayaa sheegtay in Ugaaska Beesha Ceyr uu yahay Sanam Dadeed aan la sidi karin. 

Kaddib kullan  maanta Magaalada Muqdisho ay ku yeesheen Waxgarad, Aqooyhanno iyo Culumaa’udiin kasoo jeeda Beesha Cabsiye Ceyr ayaa waxa ay sheegeen in Ugaaska Beesha Ceyr uu yahay Sanam Dadeed aanu kor loo sidi karin sida ay hadalka u dhigeen. 

Kullanka ayaa Beesha Ceyr waxa ay ku sheegeen in Masiirka Beesha uu yahay mid Madax banaan islamarkaana iyagu ay ka tashanayaan, waxaana ay intaasi ku dareen in Xubnaha Beesha Cabsiye Ceyr Masiirkoodu uu yahay mid gooni u ah oo ay ka hadlayaan. 

Nabadoon C/qaadir Max’ed Max’ud oo la yaqaano Salaxey oo kullanka kaddib la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay Masiirka Beesha Cabsiye Ceyr uu yahay mid Madax banaaan, wax waliba oo quseeyana ay ka hadlayaan sida uu hadalka u dhigay, isagoo xusay in Beesha Masiirkoodu uu ka hadlayo Xasan Cilmi Yaxye oo ay u magacaabeen Guddoomiyaha Beesha Cabsiya Ceyr, kaasi oo uu ku wargaliyay Dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale Beelaha Soomaaliyeed.

“ Yaan la is xooggin, haddii wixii adugu aa duubato oo aad tiraahdo Jeebkeygaad ku jirtaa, Hadda aan kasoo qaado Ugaas Xasan oo kale, war ma sanam baanu sidi karnaa, Ugaas waa laga maarmaa, waxa weeyaan waa Sanam dadeed, waqtigii la joogo Cili maaddi iyo mid diimeedba waa la bartay, iskama sidi karo Sanam dadeed” sidaasi waxa yiri Nabadoon C/qaadir.

Ugu dambeyn qaar ka mid ah Waxgaradka Beesha Cabsiye Ceyr oo kullankaasi kaddib iyana la hadlay Shabelle ayaa waxa ay sheegeen in Beesha go’aan mideysan ay gaarto oo ah in Masiirkoodu uu yahay mid Madax banaan islamarkaana wixii quseeya Beesha Cabsiya Ceyr oo go’aan uu gaari karo Xasan Cilmi Yaxye oo ah Nabadoonka guud ee  Beesha Cabsiya Ceyr.

Comments are closed.

Facebook

Twitter