Beesha Caalamka oo si wadajir ah uga hadlay 20-ka August (Sawirro)

maalik_som August 19, 2012 Comments Off

Muqdisho : (Sh. M. Network) kullan ay isugu yimaadeen Beesha Caalamka oo maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa waxa lagu iclaamiyay in lagama maarmaan ay tahay in Dowlad cuusub ay ka hana qaaddo Soomaaliya. 

Kullankaani oo ay isugu yimaadeen Safiirada waddamada Maraykanka, Talyaaniga, Norway, Ingiriiska, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Xubno kale oo ka socda Beesha Caalamka ayaa waxa looga hadlay xaaladaha siyaasadeed oo uu dalka xilligaani marayo. 

Kullanka  oo ahaa mid ay dibad joog ka ahaayeen Saxaafadda ayaa markii uu soo idlaaday waxaa saxaafadda si wada jir ah shir Jaraa’id ugu qabtay Safiirada wadamada kasoo qeyb galay kullanka iyo Wakiilada Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya kuwaasi oo  ku dheeraaday ka hadalka Xaaladaha Soomaaliya. 

Ergayga gaar ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambasador Augustina Mahiga ayaa waxa uu sheegay in howsha soo xulidda barlamanka cusub ee Soomaaliya uu yeellanayo ay meel wanaagsan marayso islamarkaana guddiga farsamada uu howlwanaagsan wado. 

Mahiga ayaa waxa uu sheegay in illaa iyo hadda guddiga uu gacanta ku dhigay 215-Xubnood oo ay soo gudbiyeen Odayaasha dhaqanka, wuxuuna tilmaamay in maalmaha soo aaddan lasoo afmeeri doono barlamanka cusub islamarkaana la dharin doonoi, ayna qofka ugu weyn u doorandoonaan afhayeen Kumeelgaar ah, kaddibna la soo dooran doono Afhayeenka cusub ee Barlamanka Soomaaliya. 

Ugu dambeyn waxa ay carabka ku adkeeyeen in howsha hadda socota lagu soo gaba gabeyn doono maalmaha soo aaddan islamarkaana Soomaaliya ay yeellan doonto Dowlad cusub.

Halkan Ka Daawo Sawirrada Kullanka ka dhacay Muqdisho

Comments are closed.

Facebook

Twitter